Dowlada Kenya oo Codsatey In La Joojiyo Dhegeysiga Dacwada Dhinaca bada ee u Dhexeysa Somaliya iyo Kenya

0
28

Sharci yaqaano Kenyan ah oo uu hoggaaminaayo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa shalay codsaday in la joojiyo dhageysiga dacwadaa.

Dacwadaa ayaa shalay ka bilaabatay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaalada ee QM ICJ. Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya in Soomaaliya iska indha tireyso heshiis muranka lagu xallili lahaa ayadoon maxkamad la adeegsan.

Heshiiskaas ayaa xeer jajab ah ay dawlad hore oo Soomaaliya ka jirtay -dawladii Shariif Sheekh Axmed iyo dawlada Kenya ay wada saxiixdeen.

Dacwada ayaa gashay maalintii labaad ee la dhageysanaayo maanta waxaana la filayaa in dhageysigu socdo ilaa Jimcaha soo socda.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay heshiis shaqeynaya la gashay dawladii Shariif Sheekh Axmed kaasoo kusaabsan xallinta muranka badda waxayna ka caga jiideysaa sii socoshada dhagaysiga dacwada ee maxkamadaa ICJ ee The Hague, Holland iminka ka socda.