Ergeyga gaarka ah ee qaramadaAugostin Mahiga oo soo dhaweeyey dadaalada nabada ee laga wado somaliya

Ergayga gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostin Mahiga ayaa warbaxin qoraal ah uu soo saaray waxa uu ku sheegay in si aad uu ula dhacsan yahay islamarkaana uu soo dhaweynayo dadaalada nabada loogu dhalinayo ee ay wadaan Ururka aan dowliga aheyn ee IGAD kana sameynayaan Deegaanada iyo Degmooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Augostin Mahiga ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in qorshaha IGAD ay damacsan tahay uu yahay qorshe lagu gaari karo nabad waarta isagoona intaasi ku daray in loo baahan yahay in laga faa’ideysto dadaaladaasi.

Sidoo kale Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dadaalka IGAD ay ka wado sidii maamul loo dhan ay ugu sameyn lahayd Gobolada Jubooyinka iyo Gedo uu yahay mid u baahan in laga Faa’deysato islamarkaana ay tahay mid dadaal dheeri ah loo galay oo juhdi lagu bixiyay.

Ugu danbeyntii Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augsotin Mahiga ayaa waxa ugu baaqay beesha caalamka in Soomaaliya la garab istaagto oo la caabiyo maadaama haatan ay mareyso meeshii ugu fiicneyn,waxa uuna ku adkeeyay Mr Mahiga in Soomaaliya lagu dhiira geliyo sidii markale ay cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

odoyaal dm Odayaal iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolada koonfurta somaliya oo booqdey xerooyinka barakacayasha
- May 18, 2013
Odayaal, Suldaano iyo xildhibaano kazoo jeeda Gobolada koofurta somaliya ayaa booqdey xerooyinka barakacayasha ayagoo ...
kism Wafdi ka socdey Igad oo kol dhow gaarey Magalada Kismaanyo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray ...
ahlusuna Maamulka Ahlusuna ee Gobolka Gedo oo sheegey iney dileen 12 ka mid Alshabab
- May 18, 2013
Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka ...
igad Wafdi ka socda Igad oo lagu wado inuu maanta booqdo Magalada Kismaanyo
- May 18, 2013
Wafdigii ka socday urur-goboleedka Igad ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta ...
hiiraale Daawo:- Bare Hiiraale oo Xaflad caleemo saar ah loogu sameeyey Magalada Kismaanyo
- May 17, 2013
Col, Barre Aden Shire Hiiraale oo ah madaxweynihii labaad ee Kismaayo ayaa waxaa loo ...