Laba Qarax oo is daba joog ah oo ka dhacay Degmada Jowhar

0
41

Qaraxyo is daba joog ah ayaa waxaa ey ka dhaceen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay ka kala dhaceen labo xaafad oo kamid ah Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Horseed ee Magaaladaasi kaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay waxaana la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso

Qaraxa labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar kaasi oo isna aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Qaraxa ka dhacay Xaafada Hantiwadaag ayaa la sheegay inuu ka dhacay Saldhiga Degmada Jowhar kaasi oo aan isna la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidanka Saldhiga ku sugan.

Daafeet.Com