Shaqaaqo Caawa Ka Dhacaydey Magalada Jowhar ee Gobolka Shabelaha Dhexe

0
79

Warar kol dhaweyd aynu ka helney Magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in iska-horimaad dhax-maray ciidammo kawada tirsan dowladda Somalia ay ku dhinteen Labo Askari, waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah.

Dad ku sugan Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in iska-horimaadka oo ka dhacay xaafada Kulmis uu ka dhashay kaddib markii ciidan boolis ah oo ku raad joogay rag Muqaadaraadka ka Ganacsada kala shaki uu soo kala Dhax-galay Askar kale oo ka Tirsanaa isla ciidammada Dowladda Federaalka Somalia, taasoo keentay is rasaaseyn labada dhinac dhaxmarta.

Dadka dhaawacyadu soo gaaray oo la gaarsiiyay isbitaalka degmada Jowhar ayaa la sheegay inay ku jiraan ilmo yar iyo haweeney.

Sidoo kale, Wararku waxay Sheegayaan in Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Sh/dhexe ayaa gaareen xaafadda uu dagaalka ka dhacay.