2 Ruux oo Goordhow lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

Labo ruux ayaa la dilay mid sadexaadna waa uu dhaawacmay kadib markii rag hubeysan oo aan la garan ay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa goob lagu shaaho magaalada Gaarisa

Labada ruux ee la toogtay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad deegaanka ah, lamana yaqaano sababta dilkooda ka dambeysa.

Ragga dilka geystay oo aan la cadeyn waxa ay ahaayeen ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday.

Xaalada magaalada Gaarisa ayaa isu bedeshay jawi cabsi leh kadib markii ciidamo fara badan oo boolis ay goobta soo gaareen isla markaana bilaabay baaritaan saf ballaaran ah.

Ganacsiga iyo dhammaan goobaha dadku ku fiidsadaan ayaa la xiray iyadoo dadka ay u kala carareen guryahooda.

Dilka caawa ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa dhacaya xilli xiisado amaandaari ah ay ka taagan yihiin magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Daafeet.com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...
Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeep Ciidamo ka tirsan Siera Leone oo maanta gaarey Dhoobleey
- May 23, 2013
Ciidamo Sierra Leone ah oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ...