2 Ruux oo Goordhow lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

0
47

Labo ruux ayaa la dilay mid sadexaadna waa uu dhaawacmay kadib markii rag hubeysan oo aan la garan ay weerar ku qaadeen dad ku sugnaa goob lagu shaaho magaalada Gaarisa

Labada ruux ee la toogtay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad deegaanka ah, lamana yaqaano sababta dilkooda ka dambeysa.

Ragga dilka geystay oo aan la cadeyn waxa ay ahaayeen ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday.

Xaalada magaalada Gaarisa ayaa isu bedeshay jawi cabsi leh kadib markii ciidamo fara badan oo boolis ay goobta soo gaareen isla markaana bilaabay baaritaan saf ballaaran ah.

Ganacsiga iyo dhammaan goobaha dadku ku fiidsadaan ayaa la xiray iyadoo dadka ay u kala carareen guryahooda.

Dilka caawa ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa dhacaya xilli xiisado amaandaari ah ay ka taagan yihiin magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Daafeet.com