Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo Sheegey Ineysan Ku Qanacsaneyn Xukunka Ay Hindiya Ku Ridey Dhalinyarada Somaliyeed

0
26

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia aysan ku qanacsanayn xukunkii dilka ah ee Dowladda India ay ku ridday dhalinyarada Soomaaliyeed, madaama aysan helin fursad ay isaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyay.

Sido kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay kala hadli doonto Dowladda Hindiya Xukunka ay ku Ridday Dhallinyarada Soomaaliyeed, Gaar ahaan kuwa ku jira Xabsiyada waddankaas sidii ay ku heli lahayeen Daryeel Bini’aadamnimo iyo Xukun cadaalad ah.

Xukuumadda India ayaa maalin ka hor xukun dil toogasho ah ku ridday illaa 50 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Burcad-badeed lagu soo qabtay hawl-gallo Ciidamada badda Hindiya ay ka sameeyeen Bad-weynta Hindiya intii u dhexeysay sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii.

RW Somalia ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixin doonto sidii dhalliyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka ay u heli lahaayeen xukun cadaalad ah, isla markaana ay qayb ka mid ah Xukunkooda ugu qadan lahayeen xabsiyada Soomaaliya ku yaalla.