Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ka Hadley Dhalinyarada Lagu Maxkamadeeyey Hindiya.

0
32

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay Sameyneyso Dadaal kasta oo lagu Xaqiijinayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somalia ku xiran Magaalada Mumbai ee Gobolka Maharashtra uu kala hadlay Arrintooda Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, isla markaana labada dal uu haatan u socdo wadahadal sharciga ah oo arrintan lagu xalinayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay warar uu sheegay in lagu marin habaabinayo oo beryahan warbaahinta kusoo noqnoqday. isagoo yiri. “Wararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey.

Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen Dambiyada dhallinyaradan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan.”