Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating oo Golaha Ammaanka uga Warbixiyay Xaaladaha Somaliya

0
44

Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa golaha ammaanka uga Warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhacii doorashooyinkii la filayay in bishan iyo tan soo socota ka dhacaan Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa si gaar ah uga hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii dalka ee la filayay inay sannadkan dhacaan, isagoo xusay inay jiraan caqabado wali hor-taagan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in dib u dhacan cusub aanu keenin fursad lagu marin habaabiyo hannaanka doorashooyinka ama siyaasiyiinta Qas-wadayaasha ay ku carqaladeynayaan doorashooyinka.

Ergayga ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in doorashooyinka 2016-ka ee Somalia si cadaalad oo hufan loo qabto, isla markaana laga dhigo mid uu qof walba kasoo qayb-galo. Isagoo qiray inay jiraan Caqabado Sharciga ah, maadaama Dowladda Somalia ee hadda jirta waqtigeedii uu dhamaaday, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh oo sida Dastuurka dhigayo xilligiisii uu ku ekaa 10-kii bishan September.

Dhanka kale, Keating ayaa xusay in diyaar-garowga doorashooyinka intooda badan la dhameystiray, dhawaanna ay billaaban doonaan Diiwaan-gelinta 14-kun oo ergo iyo murashaxiinta u taagan xildhibaanimada oo boqolaal qofood gaaraya.