Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta booqasho ku tegey Degmada Jowhar

0
36

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab.

Mudane C/xakiin iyo wafdigiisa ayaa maray dhulka, wuxuuna sheegay inay si nabad-galyo ah ku tageen degmada Jowhar ayna dadka ku nool degmadaas si wanaagsan u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah oo weyn dhicin, waxayna degmadan ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadka laga qabsaday Al-shabaab.

Ugu dambeyn, dadweynaha ku nool degmada Marko ayaa sheegay in xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, sidoo kalena aysan jirin wax dhibaatooyin ah ciidamadu ay u geysteen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga oo illaa shalay xirnaa.

Daafeet.Com