Xaalada Degmada Jowhar oo Maanta Degan

0
65

Xaalada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta inta badan caadi ah oo xasilloon kaddib markii shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta magaaladaas.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin ayaa sheegay inay xasilloon tahay magaalada, isla markaana ay dib u furmeen goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Amiin wuxuu sheegay inay ciidamada wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada, isagoo rajo ka muujiyay inay ku guuleysan doonaan sugidda ammaanka.

Talaabadan ayaa wexey ka mid tahay kuwo alshabab looga safinayo guud ahaan gobolada dalka ayadoo inta badan laga sifiiyey koonfurta dalka somaliya walow ey ku sugan yihiin qeybo ka mid ah kofurta somaliya.

Daafeet.Com