War Deg Deg Ah Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Maqaaxi Ku Taala Agagaarka Tiyaatarka

0
24

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo goor-dhaw lala beegsaday maqaayad lagu Magacaabo Blue Sky oo ku dhaw Tiyaatarka Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan xilliga uu dhacayya qaraxa.

Sidoo kale, Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa halkaas gaaray, kuwaas oo ka qaadyay dhaawacyo sida ay sheegeen Goob-joogayaal ku sugnaa meel Maqaayadda Qarax lala beegsaday ku dhaw.

Qaraxaan, ayaa imaanaya xilli dhawaanahan uu amaanka Muqdisho ahaa mid Wanaagsan, iyadoo aysan weli jirin cid sheegatay inay weerarkan mas’uul ka tahay, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab.