Shir looga hadlayey horumarinta Degmada Dalandole oo ka dhacay magalada Muqdisho

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa shaley ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo ay soo abaabuleen xildhibaanada ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameedka, siyaasiyiinta, wax-garadka, qurba-joogta, ganacsatada iyo dhalinyarada.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa maamul u samaynta degmada Dolondole loona horumarin lahaa.

Degmada Dolondole oo ah degmo istraatiji ah kana tirsan gobolka Baay ayaa waxay 90-kms u jirtaa degmada Baydhabo.

Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye ayaa ugu horeyntii furay shirka kana warbixiyey ujeedada kulanka iyo baahida loo qabo in maamul loo helo degmada si horumarkeed looga shaqeeyo.

Waxaa halkaas hadalo guubaabo ah ka soo jeediyey Malaq Cusmaan, Malaaq Deerow, Malaaq Aamin Barawani, Malaaq Kusow iyo Malaaq Maalin Salaad.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay xildhibaanada degmada Dolondole Xil. Maxamed Borow, xil. Cusman Miirow iyo Xil. Khalif Duuray.

Maxamed Shaahiyow, Daahir Sh Mad iyo Edin Hasan ‘kalamow’ ayaa ka hadlay mashaariicda ilaa iyo hadda laga fuliyey degmada iyo sida qurba joogta diyaarka ugu yihiin inay qeyb libaax leh ka qaataan dhismaha iyo horumarinta degmada.

Jibriil Maxamud Cabdullahi ‘Pakisan’ iyo Maxamed Aden ‘Farkeeti’ ayaa talo bixin ka soo jeediyey qaab-dhismeedka maamulka iyo doorka qeybaha bulshada ku leeyihiin horumarinta degmada.

Geba-gebadii shirka waxaa laysku raacay qodobadan:
1. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta degmada Dolondole.
2. In odayaalka dhaqanka ay bilaabaan dib u heshiisiin dhab ah kana shaqeeyaan wacyi gelinta bulshada.
3. In loo saaro guddi farsamo oo ka kooban 5 xubnood oo soo diyaariya qaab-dhismeedka maamulka degmada.
4. In xildhibaanada, guddiga farsamada iyo odayaal dhaqameedka ay warbixin ka dhaqeystaan guddiga farsamada muddo labo usbuuc gudahood.

Ka soo qeybgalaasha shirka waxay mahad u soo jeediyeen xildhibaanada suurta geliyey kulanka.


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

warsame Daawo:- Socdaalkii Uu suldaan Warsame Ku tegey Degmada Qoryooleey
- Sep 19, 2014
Halkan hose ka daawo safarkii uu dhawaan Suldaan warsame ku tegey degmada qoryooleey halkaas ...
duble Daawo:- Barnaamijka Xulashada Todobaadka oo Isbuucan Looga Hadlayey Koonfur Galbeed
- Sep 19, 2014
Telfishinka somali channel ayaa habeenkii xaley aheyd waxaa uu qabtey barnaamijka xulashada todobaad kaas ...
xog-waran DAAWO: Xogwaran oo Xalay Lagu Weeraray Ra’iisal Wasaare C/weli Iyo Madaxweyne Xasan (C/weli Umada Soomaaliyeed Ayuu Madaxa Isku Geliyay) »
- Sep 19, 2014
Waxaa Xalay Barnaamishka Xogwaran ee kabaxa Kalsan TV lagu weeraray Madaxda Dowlada Muqdisho C/weli ...
Amin_Amir Daawo Sawir Laga Sameeyey Shariif sakiin Iyo Jawaari oo Shiidanaaya Shacabkooda
- Sep 19, 2014
Amiin Caamir oo u dhuun doloolala sayaasada guud ee dalka somaliya ayaa waxaa uu ...
kaanid Dhegeyso:-War Deg Deg Ah Shirkii Ka Furmey Baydhabo oo Hakad Galey
- Sep 18, 2014
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in uu hakad ...