Magalada Gaalkacyo oo Maanta Mar Kale Laga maqlaayo Xabado

0
17

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos ah oo ka dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta goos gooska ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km

Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Magalada Gaalkacyo ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafey degeynd ayagoo aan weli xil waara laga gaarin colaada u dhexeysa laba beeleed.