Beesha Caalamka oo Seddex Qodob Ka Codsatey Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabele

0
33

Beesha caalamka ayaa mar kale walaac xoogan ka muujisay kaalintii ay dowladda Somalia ku lahayd doorashadii madax-tinimo ee maamulka Hirshabeele ,taasi oo lagu qabtay magaalada Jowhar todobaadkan .

Ma jiro ilaa iyo hadda war- rasmi ah oo ka soo baxay beesha caalamka oo lagu taageerayo maamulkan ,tan iyo markii la qabtay doorashadii madaxweynaha loogu doortay Cali Cabdulaahi Cosoble.

Xafiisyada ugu sareeya ee taageera xasiloonida Somalia ayaa warbixin ka soo baxday maanta oo arbaco ah looga dalbaday maamulka cusub in uusan wax saamayn ah ku yeelan doorashooyinka dhamaadka sanadkan dhacaya.

Baaq ka kooban sedex qodob ayey beesha caalamka u soo jeedisay maamulkan cusub , oo dhismihiisa uu soo socday in muddo ah ,waxaana ay kala ahaayeen sida tan.

1: In madaxweynaha la doortay uu xal u helo khilaafaad-yada soo noq-noqday ee isugu jira kuwa colaadeed iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

2: In Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble uusan wax kaalin ah ku yeelan doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka ,kana fogaado xiriirka hoose ee kala dhaxeeya Xasan Shiekh oo ah madaxweynaha Somalia.

3: In uu taageero ka helo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah hogaanka Dhaqanka Gobolka Hiiraan.