Alshabab oo Habeenkii Xaley Madaafiic Ku Garaacay Degmada Qoryooleey

0
22

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Xalay Hoobiyaal ku Weeraray Fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay sheegay in Shabaab ay Madaafiicda ku Garaaceen Xero Ciidamada AMISOM iyo ciidamo beeleedyada ay ka degen yihiin Qoryooley,waxaana sidoo kale Ciidamada AMISOM ay ku Jawaabeen iyaguna Madaafiic.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Madaafiicda ah ee ay is weydaarsadeen Shabaab iyo Ciidamada AMISOM weli lama Oga.

Al-shabaab ayaa maalmahan waxaa ay weeraro isdaba joog ah ka wadaa guud ahaan gobolka shabeelaha hoose oo ay intiisa badan ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada isla markaana nasasho u diidey shacabka gobolka shabelaha ahoose.