Reysulwasaraha dalka Kenya oo ugu baaqey somalida ku nool Dalka Kenya in ey dib ugu laabtaan dhulkooda

0
129

Raysal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinka ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya waxa uu ugu baaqay in dib ay isaga laabtaan wadankooda hooyo uu sheegay in haatan uu yahay mid nabadgalyo ah oo aanay ka jirin wax dhibaato.

Rayla Odinka ayaa tilmaamay in haatan loo baahan yahay in si dhaqsi ah dib loogu masaafuriyo Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan waxa uu si gaar ah farta ugu goday Soomaalida ku dhaqan xerada qaxootiga ee Dhadhaab ku jirta.

isagoo ku eedeyay inay ku lug leeyihiin falal argagixiso ah uu sheegay inay ku sii kordhayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyin badan oo Kenya ku yaalo sida Nairobi,Mandheera,Gaarisa iyo Magaalo xeebeedka ee Mombasa ee dalka Kenya.

Hadalka ka soo baxay Raysal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinka ee ku aadan Soomaalida ay dib isaga laabtaan dhulkooda hooyo ayaa waxa uu sheegay in jawaab ay u tahay qaraxii dhawaan ka dhacay masjidka ku yaala dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ee Hidaaya lagu magacaabo.

Daafeet.Com