1991 Gumaadkii ka dhacay koonfurta somaliya ma waaney eheyn War Crime

0
99

Daawade tani waa mid ka mid ah Malaayiin dhacdo oo aad u xanuun badan oo ay dadka Soomaaliyeed ee dega gobolada KoonfurGalbeed la kulmeen bilowgii dagaalka sokeeye ilaa iyo maantana taagan,

Inkasta oo ay tani tahay dhacdo waaqic ah oo ay dadka afkooda ku sheeganayaan dhibta la baday iyo kuwa dhibtaa baday iyo weliba deegaamada laga soo barakiyay sida Baydhabo, Jamaame, Jilib, Buurhakabo, Kismaayo, Xudur,Bu’aale, Saakoow, Kuyobarow, Ariile,Baraawe iyo deegaano kale ayaa waxaa hadana marag madoonta ah in maanta JIILKII-2aad ee kooxdii fulisay Gumaadka,Barakicinta,Kufsiga iyo Isir-sifaynta ay maanta doonayaan inay sheegtaan lahaanshaha qaybo ka mid ah dhulweynaha KoonfurGalbeed dadkiisana ay xoog shisheeye u adeegsadaan si ay u maamulaan.

Waa dhab in qaar ka mid ah JIILKII-1aad ee gaystay Gumaadku ay weli nool yihiin xorna yihiin iyadoo weliba ay maanta gumaysi hoostii ka dayaaya qabaan-nimo si ay u maamulaan ummadda Soomaaliyeed ee degta KoonfurGalbeed bal ila xusuuso nimankan magaca ku yeeshay Gumaadka,Barakicinta,Kufsiga iyo Isir-sifaynta ummadda Soomaaliyeed ee degta KoonfurGalbeed sida Maxamed Saciid Xirsi”Morgan”,Maxamed Xaashi Gaani,Aadan Cabdulaahi Nuur “AadanGabyow”,Axmed Cumar Jees,Xasan Abshir faarax, Maxamed Cabdi Yuusf iyo kuwo kale oo intuba aanan u dhalan gobolka balse u yimid sidii ay dadka gobolka u tirtiri lahaayeen oo ay uga dhigi lahaayeen waxay Dilaan,Barakiciyaan iyo inta soo hortana iyagoo ay dulaysteen inay ku hoos noolaadaan.

Kooxdan aan kor ku soo sheegay kolka laga soo tago habkan Qabiiliga ah(DAAROOD) ee ay isu soo abaabuleen ayaa waxaa hadana marag madoonta ah inay isaga kala yimaadeen wadamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya si ay u gumaadaan shacab aan waxba u gaysan!

Hadaba waxaa taagan in JIILKII-2 aad ee kooxda gumaadka intaa le’eg gaysatay inuu maanta u taagan yahay inuu gurto mirihii ka dhashay falkii gumaadka ahaa ee ay gaysteen JIILKII-1aad ee beelaha DAAROOD kana gaysteen dhulweynaha KoonfurGalbeed.

Jiilkan-2aad ayaa waxaa maanta hogaanka u haya kuwii shalay ahaa Dagaal Oogayaal sida Moorgan,Gaandi,Axmed Madoobe, Maxamed Cabdi Yuusuf, Yusuf Macalin iyo kuwo kale waxayna maanta maciin bideen Ciidamada Kenya si ay ku hantaan Dagaanka.

Hadaba hadii shalay JIILKII-1aad ee beelaha DAAROOD ay isir sifayn ka gaysteen gobolada KoonfurGalbeed maanta JIIKII-2aad oo Ciidamo Kenyan ah ay u wataan sidii ay u maamuli lahaayeen goboladaas,

Hadaba maxaa la gudboon shacabka goboladaas?

Jawaabta waxaan u daynaayaa waxgaradka gobolka  vidiyowgana nala daawada.

Wadajirradio.