Howlgalo ay sameeyeen Boliiska Kenya oo ey kusoo qabteen Lex Qofood

0
62

Ciidanka booliska Kenya ayaa xiray lix qof oo loo maleynayo inay argagaxiso yihiin kuwaas oo lagu qabtay deegaanka Amuma ee u dhow soohdinta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Lixda qof oo labo ay dumar yihiin ayaa la qabtay ayagoo ku safraya gaari Toyota Land Cruiser ah kaddib markii boolis ka tirsan saldhigga Lagdera ay istaajiyeen si baaritaan caadi ah loogu sameeyo.

Waxaa gaarigii ay saarnaayeen laga helay saddex garneylada gacanta laga tuuro, labo bastooladood iyo 84 xabbadood oo rasaas ah, sida lagu qoray wargeyska Standard.

Madaxa booliska gobolka waqooyi bari Philip Tuimur ayaa sheega inay afar kale baxsadeen kaddib markii ay ka boodeen gaariga oo socda.

Philip wuxuu intaas raaciyay in dadkaasi loo qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab halkaas oo su’aalo lagu weydin doono.

Daafeet.Coma