Gudomiyaha Barlamanka Jabuuti oo booqashao ku tegey Magalada Muqdisho

0
34

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.

Idiris Aarna’uut Cali oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inay casuumad ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayna ku sugnaan doonaan Muqdisho iyagoo muddadaas kulammo la yeelan doona xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada ay dowladda Jabuuti u fidisay shacabka iyo dowladda Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay mid ay mar walba xusuusan doonaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimaado magaalada Muqdisho, inta uu joogana uu la kulmi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Daafeet.Com