Kenya oo shaley u dabaal degeysey maalintii ey qaadatey xoriyada

Waxaa guud ahaan shalay  dalka Kenya looga dabaal dagay maalinta ay Kenya  xoriyadda ka qaatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 1963-dii.

Guud ahaanba dalka Kenya ayaa waxaa si weyn loo xaqiijiyay amaanka iyadoo ciidamo badan la dhoobay magaalooyinka waa weyn ee gudaha Kenya

Dadka Kenyanka ah ayaa si weyn usugayay Khudbadii ugu danbaysay ee Madaxweynaha Kenya uu ka jeedin lahaa dalka isagoo madaxweyne ah maadaama uu xilkiisa dhamaanayo sanadkan.

Waxaa uu si xooggan kaga hadlay arimaha amaanka gudaha Kenya, isagoo sheegay in Kenya ay ka go;an tahay xaqiijinta amaankeeda iyo ka hortagaya kuwa gaysanaya falalka kala duwan ee amaanka kadhanka ah

Madaxweyne kibaaki ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee nabad sugida ay ku amaanan yihiin ka hortaga kuwa gaysanaya falalka amaan xumada ah.

“waxa hada socda waa howlgalkii lagu nadiifin lahaa kuwa canaasiirta ah ee gaysanaya falalka amaan xumada ah, waana naga go;an tahay taas”ayuu sheegay Madaxwyenaha Kenya

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ku dooday in sababtii ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya ay ahayd suguda amaanka dalkeeda.

“Sababtii aan ciidamada ugu dirnay Soomaaliya waxaa ay ahayd in la ilaaliyo sumacada iyo amaanka Kenya kadib markii canaasiir argagaxiso ah ay isku dayeen in ay dhibaatayaan amaank Kenya”ayuu sheegay Kibaki.

Kenya ayaa waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah dadka sharcida darada ku jooga gar ahan Soomaalida kusugan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

 

 

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...