Kenya oo shaley u dabaal degeysey maalintii ey qaadatey xoriyada

0
95

Waxaa guud ahaan shalay  dalka Kenya looga dabaal dagay maalinta ay Kenya  xoriyadda ka qaatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 1963-dii.

Guud ahaanba dalka Kenya ayaa waxaa si weyn loo xaqiijiyay amaanka iyadoo ciidamo badan la dhoobay magaalooyinka waa weyn ee gudaha Kenya

Dadka Kenyanka ah ayaa si weyn usugayay Khudbadii ugu danbaysay ee Madaxweynaha Kenya uu ka jeedin lahaa dalka isagoo madaxweyne ah maadaama uu xilkiisa dhamaanayo sanadkan.

Waxaa uu si xooggan kaga hadlay arimaha amaanka gudaha Kenya, isagoo sheegay in Kenya ay ka go;an tahay xaqiijinta amaankeeda iyo ka hortagaya kuwa gaysanaya falalka kala duwan ee amaanka kadhanka ah

Madaxweyne kibaaki ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee nabad sugida ay ku amaanan yihiin ka hortaga kuwa gaysanaya falalka amaan xumada ah.

“waxa hada socda waa howlgalkii lagu nadiifin lahaa kuwa canaasiirta ah ee gaysanaya falalka amaan xumada ah, waana naga go;an tahay taas”ayuu sheegay Madaxwyenaha Kenya

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ku dooday in sababtii ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya ay ahayd suguda amaanka dalkeeda.

“Sababtii aan ciidamada ugu dirnay Soomaaliya waxaa ay ahayd in la ilaaliyo sumacada iyo amaanka Kenya kadib markii canaasiir argagaxiso ah ay isku dayeen in ay dhibaatayaan amaank Kenya”ayuu sheegay Kibaki.

Kenya ayaa waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah dadka sharcida darada ku jooga gar ahan Soomaalida kusugan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

 

 

Daafeet.Com