Madaxweynaha Dowlada Fedralka Somaliya oo sheegey in Alshabab ey ka sifeyn doonaan guud ahaan Dalka

0
27

Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladiisu ay wiiqisay Awoodii Al Shabaab islamarkaana ay wadaan in maamulkooda ay ku baahiyaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Waxgarad ay u direen goobaha ay Al Shabaab ay maamulaan si dhalinyarada u dagaalamaya looga dhaadhiciyo in ay ku soo biraan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wax wadahadal ah laga leyn Ajaanibta ka dagaameysa Soomaaliya ee la socota Al Shabaab waxana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in awood ay uga saari doonaan dalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dowladda ay isku fidineyso meelo badan oo dalka ka mid ah islamarkaana ay ka qabsadeen Al Shabaab.

Daafeet.Com