Maddaxweynaha oo ka hadley arimiha jubooyinka iyo isbaaroyinkii laga qaadey Muqdisho

0
26

Madaxweynaha Dowlada Federalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Gobalada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in Jubbooyinka ay kamid yihiin dalka Soomaaliya Dowladda Kenyana ay door ku leedahay arimaha Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay muujisay taageero ballaaran oo u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda intaba islamarkaana aysan jirin arin ay ku kala duwan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Dowlada Federalka  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee laga qaaday goobaha isbaarooyinka inay Dowladda Soomaaliya uwado qorshayaal kala duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada loo kala qeybinayo qof waliba iyo xirfada uu yaqaan isaga oo tilmaamay in intii ku biiri karta ciidamada ammaanka Dowladda lagu darayo qaarna loo sameynayo dhaqancelin.

Daafeet.Com