Reysulwasaraha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta magacabey Wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal

Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dhameystiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay shan wasiiru dowle iyo 20-wasiir ku xigeen.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul waasaraha, Faarax Cabdi Xasan ayaa u akhriyay saxaafadda magacyada xubanaha lasoo magacaabay, iyadoo la sheegay in wasaarad walba ay leedahay laba wasiir ku xigeen, maadaama ay wasaarad walba horyaallaan howlo fara badan.

Magacyada wasiir ku xigeennada ayaa waxay kala yihiin:

1. Inj. Maxamed Aadan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
2. Jamaal Maxamed Barrow, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
3. Xasan Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
4. Jaamac Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
5. Maxamed Axmed Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
6. Abuukar Xasan Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
7. Bashiir Maxmaed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
8. Maxamuud Macallin Yaxye, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
9. Fahmo Axmed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
10. Xasan Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
11. Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
12. Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
13. Siciido Xasan Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
14. C/raxmaan Maxamed Geeddi, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
15. Axmed Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
16. C/raxmaan Kulmiye Xiris (C. Dheere), wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
17. C/qadir Shekh Ismaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
18. Maxamed Cali Xagaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
19. C/shakuur Cali Mire, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta
20. Ibraahim Yaroow Isaaq, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta

Sidoo kale, magacyada wasiir u dowlayaasha la magacaabay oo shan xubnood ahaa ayaa waxay kala yihiin:

1. Cabdi Faarax Sh. C/qaadir Maxamuud, wasiir u dowlaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya
2. Dr. Maxamed Nuur Gacan, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda
3. Mahdi Nur Cali, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo amniga Qaranka
4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
5. Max’ud Ismaaciil Barqadle, wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada

Wasiir u dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada la magacaabay maanta ayaa waxay ka dhigayaan tirada golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya 35 xubnood.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...