Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia iyo Gudomiyaha Barlamanka oo Villa Somaliya kula kulmey Gudomiyaha Barlamanka Jabuuti

0
30

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshey wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyo,waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Soomaaliya kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ” dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saasna waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Dowlada jabuuti ayaa waxaa ey safka hore kaga jiraa dowladaha deriska ee ku howlan arimaha dalka somaliya taasoo keentey in uu hada gudomiyaha barlamanka dalka jabuuti uu soo booqdo dalka somaliya si uu wax uga ogaado xalada uu dalka hada ku sugan yahay iyo waxa uu u baahan yahay in laga caawiyo.

Daafeet.Com