Reysulwasaraha dalka somaliya oo uga hambalyeey sannadka cusub shacabka Somaliyeed

sacidRa’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo.

Ra’isul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2012 ay dalka Soomaaliya ka dhaceen isbadallo aad u waaweyn oo ay kamid yihiin ka gudbiddii xilligii KMG ahaa, ansixintii golaha wasiirada, iyo weliba horumar la taaban karo oo uu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku talaabsaday.

Masuulkani ayaa sheegay in xukuumadiisa ay waxqabad dhab ah ka sameyn doonto gobollada dalka, islamarkaasina ay gaarsiin doonto maamul wanaag, isagoona sheegay in ay maamul u dhisi doonaan gobollada dalka, islamarkaana golihiisa wasiirada ay la iman doonaan waxqabad dhab ah.

Mudane Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan islamarkaasina la shaqeeyaan xukuumadiisa, isagoona sheegay in xukuumadda ay imika shaqeyneyso wax ka yar 50 cisho, wuxuuna xusay in wax qabad la taaban karo ay la timid, taasoo ay ugu horeeyso buu yiri ku dhowaad ilaa 60 isbaaro oo gaadiidka lagu canshuuri jiray oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

pir Burcad badeed aad u tiro badan oo ku xiran xabsiga Jaziirada Shiishalis
- May 19, 2013
Warbixin ay ka diyaarisay BBC-da ayaa lagu sheegay in ka badan 1000 dhalinyaro oo ...
Wafdi gad Wafiga ka socda Igad oo shirar goni goni ah la yeelanayo siyasiyiinta Jubooyinka
- May 19, 2013
Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo ...
australia SHIR LOOGA SOO HORJEEDO DHISMAHA DOWLAD KU SHEEGA JUBALAND
- May 19, 2013
Waxaa magaaladda Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen guddiga maamulka ...
phone Qurbo joogta Digil oo ka jawaabtey gudiga uu sameeyey Shariif Maxamed
- May 18, 2013
Shaley gelinkii dambe aya qadka telfoonka waxaa kula ku yeeshey odayaal iyo indheer garad ...
odoyaal dm Odayaal iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolada koonfurta somaliya oo booqdey xerooyinka barakacayasha
- May 18, 2013
Odayaal, Suldaano iyo xildhibaano kazoo jeeda Gobolada koofurta somaliya ayaa booqdey xerooyinka barakacayasha ayagoo ...