Reysulwasaraha dalka somaliya oo uga hambalyeey sannadka cusub shacabka Somaliyeed

0
27

sacidRa’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo.

Ra’isul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2012 ay dalka Soomaaliya ka dhaceen isbadallo aad u waaweyn oo ay kamid yihiin ka gudbiddii xilligii KMG ahaa, ansixintii golaha wasiirada, iyo weliba horumar la taaban karo oo uu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku talaabsaday.

Masuulkani ayaa sheegay in xukuumadiisa ay waxqabad dhab ah ka sameyn doonto gobollada dalka, islamarkaasina ay gaarsiin doonto maamul wanaag, isagoona sheegay in ay maamul u dhisi doonaan gobollada dalka, islamarkaana golihiisa wasiirada ay la iman doonaan waxqabad dhab ah.

Mudane Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan islamarkaasina la shaqeeyaan xukuumadiisa, isagoona sheegay in xukuumadda ay imika shaqeyneyso wax ka yar 50 cisho, wuxuuna xusay in wax qabad la taaban karo ay la timid, taasoo ay ugu horeeyso buu yiri ku dhowaad ilaa 60 isbaaro oo gaadiidka lagu canshuuri jiray oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com