Mahiga oo u hambalyo ku aadan sannadka cusub u direy shacabka somaliyeed iyo hogaankooda

0
85

mahigaWakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga ayaa ugu hambalyeeyay hoggaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sanadka cusub.

Warqaddiisa wuxuu ku xusay in sanadkii tegay uu Soomaaliya u ahaa mid taariikhi ah oo horumarro waa-weyn laga sameeyay arrimaha siyaasadda.

Wuxuu sheegay in guulaha la gaaray sanadkii 2012 ay sabab u ahaayeen iyadoo la dhaqan-geliyay hannaan loo dhan yahay oo waadax ah oo dalka looga saarayay xilliga ku-meel-gaarnimada.

Wuxuu sheegay in toddobaadyada soo socda uu xafiiskooda 100% u guurayo magaalada Muqdisho, isagoo u jeediyay xubnaha kale ee beesha caalamka inay yimaadaan Muqdisho.

Daafeet.Com