Madaxweynaha Dalka Somaliya oo maanta booqasho ku tegey dalka Sudan

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qayb gali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

Wafdiga madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka dagay gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan, iyadoo markaas kaddib loo qaaday xarunta dalka Suudaan ee Khartuum.

Madaxweyn Xasan ayaa lagu wadaa in dabbaal-degga kaddib uu kulammo la qaato madaxda dalka Suudaan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysay uu Xasan Sheekh ku tago Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan arday fara badan oo Soomaali ah, kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas.

 

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

konf8 Daawo:- Sawirada Bananbax Looga Soo Horjeedo Shirka Ka Socda Magalada Baydhabo oo Maanta Ka Dhacay Magalada Baydhaba
- Oct 19, 2014
Banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday shirka maamul u sameynta sadexda gobol ...
bananbax Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidamada Jabuuti oo Maanta Ka Dhacay Degmada Baladweyne
- Oct 19, 2014
Bannaanbixii ugu weynaa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dibadbaxan oo looga ...
xasan Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Africa u Qaabilsan Somaliya
- Oct 18, 2014
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka ...
banadir Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Kormeer Ku Tegey Kontaroolka Laga Soo Galo Magalada Muqdisho Dhinaca Afgooye
- Oct 18, 2014
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku sameeyay koontaroollada laga soo ...
XASAN SHIIKH Madaxweynaha oo Iska Fogeeyey In La Taliyeyaashiisa Ay Gacansaar La Leeyihiin Alshabab
- Oct 18, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay inuusan jirin ruux la-taliye u ah oo ...