Madaxweynaha Dalka Somaliya oo maanta booqasho ku tegey dalka Sudan

0
36

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tagay dalka Suudaan, halkaasoo uu kaga qayb gali doono dabaal-deg loo sameynayo markii ay Suudaan xorriyadeedda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

Wafdiga madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka dagay gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan, iyadoo markaas kaddib loo qaaday xarunta dalka Suudaan ee Khartuum.

Madaxweyn Xasan ayaa lagu wadaa in dabbaal-degga kaddib uu kulammo la qaato madaxda dalka Suudaan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysay uu Xasan Sheekh ku tago Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan arday fara badan oo Soomaali ah, kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas.

 

Daafeet.Com