Madaxweynaha ismagacaabay ee JubbaLand”Axmed Madoobe waa Gacan ku dhiigle,Burcad ah, Argagixiso ah dhulkana aanu u dhalan kuna dhaqmin”

ducaaleMadaxweynaha ismagacaabay ee JubbaLand Axmed Faarax Ducaale ayaa maanta ooda ka qaaday sir ku saabsan Hogaanka iyo hogaamiyaha kooxda Raaskambooni ee Axmed Madoobe

Axmed Faarax Ducaale oo u waramayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay yihiin Argagixiso Axmed Madoobana uu yahay Qabqable dagaal gaystayna dilal fara badan isla markaasina aan weli loo maxkamadayn sidaa daraadeedana uu yahay dhaqar qabe loo baahan yahay in cadaalada la hor keeno.

Sidoo kale ayaa Axmed Faarax Ducaale sheegay in Axmed Madoobe uusan qaban karin xil ay leeyihiin reer JubbaLand maadaama aanu u dhalan kuna dhalan gudaha dhulka JubbaLand

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu hayo cadaymo muujinaya in Axmed Madoobe uu yahay ruux dhulkan JubbaLand dhoof ku yimid misna uu hayo halka uu ku dhashay iyo deegaankiisa uuna soo bandhigi doono kolkii loo baahdo

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in sidii Shabaab oo kale Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Argagixisada ah ee Raaskambooni looga xoreeyo dhulka JubbaLand.

Halkan Hoose ka dhegeyso

 

DUCAALE

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Binti Maxamud says:

    Asc wr wb waan ka xumaha in qof kasta afkeygaa qoyan u hadlo ninkaana wax la dhegeysto maaha sababtoo ah uma uu san dhalan Jubbaland mana tegi karo sida uu sheegay, Axmed islaana waa madaxweynaha Jubbaland insha raxmaan. mideeda kale waxa aad halkaan u soo saartay maskiin socon waayey oo aan orodno leh waa siyaasad, isku soo wada duuboo hadalku waa Jubbaland tagtaye tiigso.

  2. Buney says:

    Aslaama caleekum duug walba oo nabada dooneynin muxuu madaxtinimo iyo lacag u raadiyaa, ducaalow waa lagu yaqaan waxaa tahay, dhibaato ha u horseedin reer jubalaand waa dalka keliya soomaaliyeed ee deggan oo weliba nadiif ah oo ugu nabadgrlyada fiican ninka aad ka halaysid aniga ma aqaani laakiinse waxa uu qabtay ayaa marag ah, modowe ka hor jubelaand waxay aheet goob dagaal oo dadka lugaha iyo gacmaha looga jaro oo qabiilaysi ah laakiin madoowe waa nin soomalinimadaada ogol oo wax aan wada qabsano ku leh oo dadkii haweenkii saqiiradii badbaadinsya, waxaa ka mid tahay duugada burburkii soomaliya ka danbeeyey welina dhibaatadii ka waantoobi la, ee waan kaa cuudi bilaysanaynaa ee faraha kala bax arimaha jubooyinka.

  3. ruquyo kis says:

    faarax ducaale meeshaan waxaad sheegto kuuma yaalaan maxaa yeeley hadaad jubblan u hadleeyso waad u dhiman lahayd ee afkaaga waan garaneynaa ee in aad aamusto ameey kuu roontahay waxaad tahay waa la’ogyahay. Ahmed naftiisa ayuu uhuray jubbaland ee adigoo caada qaaata aha in aad hadasho kuuma haboona




Wararkii U Danbeeyay

xildhinaada Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey
- May 22, 2013
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida ...
xildhi Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday Mooshinkii Dhicisoobay.?
- May 22, 2013
Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal ...
AU_&_Somalia_1 Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya
- May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ...
mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...