Madaxweynaha ismagacaabay ee JubbaLand"Axmed Madoobe waa Gacan ku dhiigle,Burcad ah, Argagixiso ah dhulkana aanu u dhalan kuna dhaqmin"

0
60

ducaaleMadaxweynaha ismagacaabay ee JubbaLand Axmed Faarax Ducaale ayaa maanta ooda ka qaaday sir ku saabsan Hogaanka iyo hogaamiyaha kooxda Raaskambooni ee Axmed Madoobe

Axmed Faarax Ducaale oo u waramayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay yihiin Argagixiso Axmed Madoobana uu yahay Qabqable dagaal gaystayna dilal fara badan isla markaasina aan weli loo maxkamadayn sidaa daraadeedana uu yahay dhaqar qabe loo baahan yahay in cadaalada la hor keeno.

Sidoo kale ayaa Axmed Faarax Ducaale sheegay in Axmed Madoobe uusan qaban karin xil ay leeyihiin reer JubbaLand maadaama aanu u dhalan kuna dhalan gudaha dhulka JubbaLand

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu hayo cadaymo muujinaya in Axmed Madoobe uu yahay ruux dhulkan JubbaLand dhoof ku yimid misna uu hayo halka uu ku dhashay iyo deegaankiisa uuna soo bandhigi doono kolkii loo baahdo

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in sidii Shabaab oo kale Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Argagixisada ah ee Raaskambooni looga xoreeyo dhulka JubbaLand.

Halkan Hoose ka dhegeyso

 

DUCAALE

Daafeet.Com