Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminaayo oo maanta booqdey magalada Baydhabo

faqiWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo halkaas kulammo kula leh mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay ayaa sheegay in wasiirka iyo wafdiga markii ay gaareen Baydhabo ay billaabeen kulammo ay ugu kuurgalayaan xaaladda ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen Al-shabaab horraantii sannadkii hore, iyadoo wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii KMG ahayd uu hal jeer booqasho ku tagay Baydhabo.

Inkastoo aanay jirin war wasiirka difaacu saxaafadda ka siiyay safarkiisa Baydhabo haddana waxaa socdaalkiisan uu kusoo beegmayaa iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ay bishii lasoo dhaafay ee December ay gadood ka sameeyeen degmada Baydhabo, iyadoo la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...
kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...
kaliil Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay ka soo horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe ee Jubboland
- May 20, 2013
Mas,uuliyiiinta ugu sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay si weyn ...