Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminaayo oo maanta booqdey magalada Baydhabo

0
125

faqiWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo halkaas kulammo kula leh mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay ayaa sheegay in wasiirka iyo wafdiga markii ay gaareen Baydhabo ay billaabeen kulammo ay ugu kuurgalayaan xaaladda ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen Al-shabaab horraantii sannadkii hore, iyadoo wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii KMG ahayd uu hal jeer booqasho ku tagay Baydhabo.

Inkastoo aanay jirin war wasiirka difaacu saxaafadda ka siiyay safarkiisa Baydhabo haddana waxaa socdaalkiisan uu kusoo beegmayaa iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ay bishii lasoo dhaafay ee December ay gadood ka sameeyeen degmada Baydhabo, iyadoo la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan.

Daafeet.Com