Duqa magalada Muqdisho oo ka codsadey Somalida in laga qeyb qaato dhismaha Tiyaatarka

0
29

tarsanGanacsatada ku sugan magaalada Muqdisho iyo Soomaalida ku nool qurbaha ayaa laga codsaday inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska tiyaatarka qaranka.

Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inuu tiyaatarku ka mid yahay xarumaha muhiimka ah ee dadweynaha ee sida ba’an ugu waxyeelloobay dagaalladii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay dalka.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay bulshada qeybaheeda kala duwan inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska xarumaha muhiimka ah ee dalka.

Golaha Murtida iyo Madaddaallada qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay bishii March ee sanadkii la soo dhaafay kaddib 21 sano oo uu xirnaa.

Daafeet.Com