Dowlada Itoobiya oo maanta Maxkamad soo taagtey eedeysanyaan lagu heysto iney la shaqeeyaan Alshabab

0
28

courtMaxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa ku heshay 10 nin eedeymo la xiriira inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Garsooraha maxkamadda Bahiru Darecha ayaa sheegay inay eedeysanayaasha sugayeen lacag ay ku fulin rabeen weerarro ka dhan ah danaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Itoobiya.

Garsooraha ayaa sheegay in 11 nin lagu eedeeyay dambi la xiriira argagaxisannimo.

Lix ka mid ah ragga oo lagu helay dambiga lagu soo oogay ayagoo maqan waxaa xukunkooda la shaacin doonaa bartamaha bishan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha uu ka mid yahay nin u dhashay dalka Kenya oo lagu helay caddaymo muujinaya inuu xiriir la leeyahay kooxda al-Shabaab.

Ninka oo lagu magacaabo Xasan Jarso ayaa la sheegay inuu taleefoon kula xiriiray shaqsiyaad ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Xasan oo markii ugu horreysay dacwadda lagu soo oogay bishii May 2012 ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, hase yeeshee wuxuu diiday inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha sare ee al-Shabaab.

Saddex ka mid ah eedeysanayaasha ayaa beeniyay eedaha loo haysto, waxayna sheegeen inay yihiin macallimiin wax ka dhiga dugsiyada diinta.

Daafeet.Com