Weerar lagu qaadey Saldhiga Booliska Degmada Wanleweyn

0
30

daafeetWarar aynu ka helney degmada Wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in weerar xoogan uu halkaasi ka dhacay kaas oo lagu qaadey saldhiga degmada wanleweyn weerarkaas oo geystey qasarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa laga maqlayey guddaha magaalada wanleway, Inta la ogyahay qaraxan ilaa iyo hada waxaa ku dhintey Hal Ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan Afar Ruux qaraxaas ka dib ayaa waxaa rasaas is daba joog ah laga maqlayey gudaha magaalada.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Boliska ee degmada waxaa ey magaalada ka sameeyeen howlgalo laakin ma jirto qof ey u soo qabteen dhacdadaas.

Daafeet.Com