Qarax lagula beegsadey Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom Magalada Marka

qaraxQarax ayaa ka dhacay sida la sheegey xili ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom gaar ahaan Burundi howlgalo ey ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay in qaraxaasi ey waxyeelo kasoo gaartey 2 qofood oo shacab ah aydoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaarey ciidamadii lala beegsadey qaraxa.

Maamulka Degmada ayaa sheegey in wax qasaaro ah uusan soo gaarin Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada waxaana ey intaasi ku dareen in wixii faahfaahin ah ee kasoo baxda qaraxaasi ey dib usoo sheegi doonaan.

SI kastaaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo qarax noocan oo kale ah lala beegsado Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom kol dhow ayey aheyd kolkii qarax noocan oo kale ah lagula beegsadey agagaarka degmada shalanbood.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

kary Gudomiyaha Ururka Midowga Africa oo maanta la kulantey Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka
- May 25, 2013
Wafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galeysa shirka 50-sanad guuradii ka soo wareegatay Gudoomiyaha ...
Shirkii_IGAD_3 Wadamada ku bahoobey Igad oo isku raacey in Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka lagu qabto Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay ...
jubaland Maamulka Jubooyinka oo ka digey in fara gelin lagu sameeyo Jubooyinka
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ...
baris Ciidamada Boliska iyo Amisom oo maanta howlgalo ka wada qeyb ka mid ah Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay ...
igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...