Qarax lagula beegsadey Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom Magalada Marka

0
29

qaraxQarax ayaa ka dhacay sida la sheegey xili ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom gaar ahaan Burundi howlgalo ey ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay in qaraxaasi ey waxyeelo kasoo gaartey 2 qofood oo shacab ah aydoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaarey ciidamadii lala beegsadey qaraxa.

Maamulka Degmada ayaa sheegey in wax qasaaro ah uusan soo gaarin Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada waxaana ey intaasi ku dareen in wixii faahfaahin ah ee kasoo baxda qaraxaasi ey dib usoo sheegi doonaan.

SI kastaaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo qarax noocan oo kale ah lala beegsado Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom kol dhow ayey aheyd kolkii qarax noocan oo kale ah lagula beegsadey agagaarka degmada shalanbood.

Daafeet.Com