Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadley safarka uu ku tegey baydhabo

0
101

faqiWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa  faahfaahin ka bixiyay socdaal wafdi uu hoggaaminayo oo dowladda ka tirsan uu ku joogo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cabdixakiim Fiqi ayaa la hadlay dadka ku nool Baydhabo, isagoo sheegay in ujeedka socdaalkooda uu ahaa qiimeynta xaaladda dadka ku nool Baydhabo iyo midda ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay  in muddada ay joogaan Baydhabo ay si qota dheer u eegi doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, iyagoo ku dedaali doona daryeelka ciidamada.

Wuxuu shacabka Baydhabo uga mahadceliyay taageerada ay dowladda u muujiyeen, isagoo rajo wanagsan ka muujiyay in deegaannada gobolka Baay ee ay hadda ku sugan tahay Al-Shabaab dhowaan laga saari doono.

Daafeet.Com