Maamulka Magaalada Gaarisa oo ku eedeeyey in ey somali ka dambeyso rabshadaha ka dhacaya Dalka Kenya

0
30

kenya_map_garissa_0_0Gudoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin Isagoo u waramayay Wargeyska The Daily Nation ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsaneyd ciidanka dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada iyo ammaan darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee NFD

Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali Kenyan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii KMG ahayd inay ka dambeeyaan falalkii amaandari ee ka soo cusboonaaday magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan falalka amaandari ee Kenya, ay tababar ku qaateen gudaha dalka Kenya,kuwaasi oo la doonayay in ay qeyb ka noqdaan dagaalada dalka Soomaaliya lagula jiro Ururka Al-shabaab,islamarkaan uu sheegay Gudoomiyaha inay Baalmareen.

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha sheegay in marka laga soo tago ka qeyb qaadashada dagaalka Soomaaliya ay dib ugu laabteen Kenya halkaasina ay ka bilaabeen dhibaateynta amaanka dalka Kenya,waxuuna si gaar ah uu u xusay in amaandarida ka jirta Magaalada Gaarisa ay iyagu ka danbeeyaan.

Daafeet.Com