Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bay oo ka codsadey dowlada in la adkeeyo amaanka Gobolka

bayOdayaasha dhaqanka iyo salaaddiinta gobolka Bay ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo inay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada.

Malaaq Sheekh Mustaf oo ka mid ah malaaqyada gobolka Bay oo ka hadlayay kulankii shalay dhex maray wafdiga dowladda ee uu hoggaminayay wasiirka gaashaandhiga iyo maamulka gobolka Bay iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay inay jiraan weerarro gaadmo ah oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan magaalada Baydhabo.

Malaaqa ayaa ka codsaday dowladda in la xorreeyo degmooyinka falalka amni darrada ay ka soo abaabulaan kooxda al-Shabaab ee gobolka Bay.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isna sheegay in dowladdu ay ahmiyad koowaad siineyso sugidda amniga, wuxuuna ammaan u soo jeediyay ciidamada dowladda ee ka howlgalaya gobolka Bay.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Dr. Abdalla A. Mohamed says:

    Marka hore waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalka aad muujiseen sidii loo horumarin laha DM dala iyo dad dad ahaanba.Ilaah garabkiina ha galo. AAMIIN.

    Shakhsi ahaan Waxaan idinka cosanayaa haddii suurtagal tahay in aad ii furtaan sanduuq ama account oo u doonaayo inaan lacag u urursho taalo aan rabo inaan magaalada Baydhabo uga dhiso halyeygii weynaa ee Abdulqaadir Mohamed adan “Zoppe”. DM haddii ay qeymeen waayaan Zoppe weligood horumar ma gaarayaa! Zoppe oo kale kama dhalan Afrika. Aniga hadda 70 jir ayaan ahay, intaan dhiman waxaan rabaa inaan arko Taalo weyn oo zoope ka dhisan Baydhabo. aniga Zoppe aad ayaan u aqaan, gacan weyna waa ku lahaa waxbarashadeydi. Ilaah ha naxariisto. Inta omalia u qabtay taarikhda ayaa sheegi doonta. Haddii maanta uu noolaan lahaa, arrinta Soomalia sidaan ma ahaan laheyn. Wuxuu ahaa nin adduunyada oo dhan la ixtirramo. Waad MahADSANTIHIIN, aBDALLA AHMED MOHAMED

  2. Abdi Eelaay says:

    ASC walal fikirkaga ma xuma in lacag la aruuriyona waa arin fican madama wax logu qabanayo Geesiyasha uso halgamay DM
    kuwii dhintay iyo kuwa nool hada.

    Aniga fikir ahan waxan kugu darsan lahaa in meesha talada laga sameynayo wax kale lagu badalo sida in lagu magacabo iskuul, isbitaal,airpor ama dhismo can ah oo ku yala faras magalada ama wado halbowlo ah oo wadoyin badan isku xirta.
    wayo waxan nahay dad islam ah talana ilama ficna shaqsi ahan intas ayan kugu darsan laha.

    Kor iyo hoos wixii idinla quman ee ad laysku raaco hala sameyo anigana ka shaqsi aha waa iga diyaar wixii qarash ee iga adan arintaas.

    waxan kuso gaba gabeynaa arintan gudi halo xilsaro accoun kii lagu so diri laha lacagtana websaydada halagu so qoro,gudi macqul ahna halo xilsaro oo arintan ka miro dhaliya. MAHADSANID WAN KUGU TAGERSANAHAY ARINTAAN AD SO JEEDISAY

  3. muqtaar cabdow maxamud says:

    asc marka hore waan salaamay salaan qiimo iyo qaayo badan aniga waxaan ahay qof reer baydhabo ah xafadeyda waa xafada isha gadomiyahay c\fatax geesay iyo masuliyanta am niga waxaan kula talinayaa in cidamada in sharci loo dajiyo waay shicibka in ay ku xadgodbaa loma baahno mida kale ninka cidanka ah waxaa larabaa dariiskii in oo ku qornaado magaciisa si hadii qof shicib ah dhibaato u geeysto oo loo fahmo dhaqsi




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...