Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bay oo ka codsadey dowlada in la adkeeyo amaanka Gobolka

0
83

bayOdayaasha dhaqanka iyo salaaddiinta gobolka Bay ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo inay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada.

Malaaq Sheekh Mustaf oo ka mid ah malaaqyada gobolka Bay oo ka hadlayay kulankii shalay dhex maray wafdiga dowladda ee uu hoggaminayay wasiirka gaashaandhiga iyo maamulka gobolka Bay iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay inay jiraan weerarro gaadmo ah oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan magaalada Baydhabo.

Malaaqa ayaa ka codsaday dowladda in la xorreeyo degmooyinka falalka amni darrada ay ka soo abaabulaan kooxda al-Shabaab ee gobolka Bay.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isna sheegay in dowladdu ay ahmiyad koowaad siineyso sugidda amniga, wuxuuna ammaan u soo jeediyay ciidamada dowladda ee ka howlgalaya gobolka Bay.

Daafeet.Com