Masuuliyiinta Alshabab ee gobolka shabelaha Dhexe oo u hanjabey odayaal ku dhaqan Gobolka

alshababGudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa inuu u hanjabay Odayaal Dhaqameed ku sugan tuulada Masaajid Cali-guduud.

Kabo-ku-tukade oo tuulada gaaray ayaa sheegay inuu daba jooga qori uu la goostay nin ka mid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo uu sheegay inuu ka soo jeedo tuulada.

Horjoogaha wuxuu ka dalbaday odayaasha tuulada inay dib u soo celiyaan qoriga, ama uu ka qaadi doono tallaabo haddii ay ku guul-darreystaan inay si deg-deg ah ku soo celiyaan qoriga.

Qaar ka mid ah odayaasha loo hanjabay ayaa sheegay inaanay ka war qabin qoriga maqan, isla markaana aaney fulin karin dalabka horjoogaha ee la xiriira soo celinta qoriga uu Kabo-ku-tukade sheegay in lala baxsaday.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...
kenyan Kenya oo laga dalbadey iney dib u furto Diiwaan gelinta Qaxootiga
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday in ay dib u bilowday diiwaan gelinta ...
baritan Howlgalo lagu sugaayo Amanka oo beryahan ka socda Awdiinle
- May 24, 2013
Howgallo baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ...
sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...