Masuuliyiinta Alshabab ee gobolka shabelaha Dhexe oo u hanjabey odayaal ku dhaqan Gobolka

0
28

alshababGudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa inuu u hanjabay Odayaal Dhaqameed ku sugan tuulada Masaajid Cali-guduud.

Kabo-ku-tukade oo tuulada gaaray ayaa sheegay inuu daba jooga qori uu la goostay nin ka mid ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo uu sheegay inuu ka soo jeedo tuulada.

Horjoogaha wuxuu ka dalbaday odayaasha tuulada inay dib u soo celiyaan qoriga, ama uu ka qaadi doono tallaabo haddii ay ku guul-darreystaan inay si deg-deg ah ku soo celiyaan qoriga.

Qaar ka mid ah odayaasha loo hanjabay ayaa sheegay inaanay ka war qabin qoriga maqan, isla markaana aaney fulin karin dalabka horjoogaha ee la xiriira soo celinta qoriga uu Kabo-ku-tukade sheegay in lala baxsaday.

Daafeet.Com