Wasiirada arimaha Dibada Dalka Somaliya oo la kulantey William Hague

0
49

fosiyaRaysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa  maanta magaalada London kula kulantay xog-hayaha arrimaha dibadda Britain William Hague.

Xoghayaha ayaa qado sharaf u sameeyay marwo Fowsiyo, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya

Kulanka wasiirrada oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain aya wuxuu qaaday muddo saacado ah, iyadoo markii uu kulank soo xirmay ay labada wasiir arrima dibadeed ay si wadarjir ah ula hadleen saxaafadda.

Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa  waxay kaloo isla soo qaadeen  wixii  ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay iyo sidii safaarad looga furi lahaa dalka Britan.

 

Daafeet.Com