Kufsiga Ciidamada Dowladu ay ku hayaan Barakacayaasha ku jira Xeryaha Muqdisho oo gaaray heer laga yaxyaxo (Warbixin murugo xambaarsan)

xeryo Talafishinka Al-Jazeera ee ku yaala dalka Qatar ayaa warbixin ka diyaariyay xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka Soomaaliyeed ee degen xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ku yaala aya waxaa uu ku waramayaa in xad gudubyo loo gaysto haweenka xeryaha degen.

Wariye Tv-gaan ka tirsan oo Muqdisho yimid booqdayna qaar ka mid ah xeryaha ay barkacayaashu degen yihiin ayaa ku waramaya in haweenka soomaaliyeed si ula kac ah loogu kufsado xeryaha taasoo ay ku lug leeyihiin rag uu Tv-gu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin ciidamada dawlada Soomaaliya.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa si joogto ah ula kulmay xad gudub xagga jinsiga ah iyadoona xeryaha ay xilliyadda habeenkii ugu galaan rag hubeysan oo dawlada ka tirsan kuwaasoo qabsada ama kufsada taasoo ah mid joogto ka noqotay xeryaha ay barakacayaashu Muqdisho ka dagan yihiin.

Wariyaha warbixintaan diyaariyay ayaa la kulmay qaar ka mid ah haweenka lagu kufsaday Muqdisho, waxaana ka mid ah haweeney magaceeda lagu sheegay Nuura Xirsi oo 27 sano jir ah.

Nuuro waxay dagan tahay xero barakace oo ku taala agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodan waana haweeney uu seygeedii ku geeriyooday dagaaladii dalka ka dhacay waxaana ay Tv-ga Al-Jazeera uga sheekaysay sida ay wax ugu dhaceen ayada markii 7 nin oo sida ay sheegtay ka tirsan ciidamada dawlada ay kufsadeen xilli habeen ah.

Waxay aheyd xilli habeen ah abaarihii 01:00 habeenimo caruurtaydana waa ay jiifeen, 7 nin oo ku hubeysan qoryaha AK47 waxaana ay xirnaayeen dharka ciidamada waa ay ii soo galeen i dharbaaxeeyeen iguna amreen inan guriga banaanka uga baxo kadibna waa ay i kufsadeen Wax walba ayay igu sameeyeen, iskama celin karin lamana dagaalami Karin, sidee ula dagaalaa 7 nin oo ku hubeysan AK47 ayay Nuura Tiri xilli ay Tv-ga Aljazeera la hadlaysay.

Dhacdadaan waxay dhacday habeen Sabti ah 29 bishii December ee sanadkii 2012.Nuura oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri Cidna iima soo gurman intii la i kufsanayay qof walbana waxa uu u cabsanayey naftiisa.

Sidoo kale gabadhaan oo sii hadlaysa ayaa sidoo kale tiri Markii ay tageen waan iska ooyay waagu markuu baryayna waxaan tegay Isbitaal wax xoogaa daawo ayay isiiyeen laakiin wixii igu dhacay oo dhan uma sheegin waayo Soomaali ayaanu nahay mana dooneyn in dadku wada ogaadan.
Nuuro waxa ay xustay inay booliska u dacwooday hase ahaatee aan la daneyn waxa ay sheegtay.

Muqdisho dadka ayaa lagu dilaa anigu maba dhiman kufsiguna sidaas looma weyneeyo ayay tiri waxana ay xustay inaysan jirin cid loo xiray kiiskeyga waxana ay intaa ku dartay in dumar badan ay dhibka la wadaagaan Hay,adda walalaha dumarka Soomaaliyeed oo ka mid ah hay,adaha u dooda xaquuqda dumarka ayaa sheegtay in sanadihii dambe ay aad u kordheen dumarka Caasimada Muqdisho lagu kufsado.

Aas aasaha hay,adaan oo la yiraahdo Fartuun C/Salaan Aadan ayaa sheegtay in sanadii dambe uu jiray xad gudubyo ay la kulmaan dumarka soomaaliyeed ee ku jira xeryaha barakacayaasha waxaana ay intaa ku dartay in xafiiskooda Muqdisho uu todobaad walba diwaan galiyo ugu yaraan 7 kiis oo ah dumar la kufsado.

Dawlada cusub ee Soomaaliya waxay sheegtay in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwo ku dhaca si qarsoodi ah oo aysan dawladu waxba ka ogeyn.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada dhalinyarada iyo isboortiga ee dawlada Soomaaliya Aweys Xadaad oo la hadlay Tv-ga Aljezera ayaa sheegay in dawladu ay qaadayso talaabooyin deg deg ah oo ay arrintaan uga hortagayso.

Aweys Xadaad waxaa uu beeniyay in ciidamada dawlad ay dhac geystaan waxaana uu inta ku daray in dharka ciidamada ay cid walba haatan xirato taasna macnaheedu uusan aheyn in ciidamada dawlada ay ka dambeeyaan waxa ka dhacaya xeryaha barakacayaasha sida tan Nuura ku dhacday oo kale.

Dad badan ayaa awood u leh inay helaan dharka ciidamada si ay iskaga dhigaan ciidamada booliska ama kuwa militariga lakiin waxaan cadeynayaa inaysan ka tirsneyn.

falalka noocaas oo kalena waxaa lagu yaqaanaa Al-Shabab ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, dhalinyarada iyo isboortiga Aweys Xadaad waxaana uu intaa ku daray in dawladu wax ka qabanayso dhacdooyinkaan oo kale.

W/Tarjumay:
Burhan Dini Farah


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. ruquyo kis says:

    Hadayna dawlada masuuliyada umada qaadi karin ha keenan meelaha qaxootiga dagan yihiin maxaa yeelay maalin kasta waxaa la leeyahay ciidamada ayaa kufsada gabdhaha soomaaliyeed. waryaaya gabdhah soomaaliyeed soo kuwii la xurmeeyn jiray soo ma aha maxaa loo faraxumaynayaa sow ilaayah idinma arko hadaad umada ka dhuumataa halkeed oga dhuumanaysaan illaahay. waxaan illaah ka baryeynaa in uu calaamad ilaahay idinka soo saaro ummadana idinka soo dhaxqabto waad ceebeeyseen ceedamad iyo umada soomaaliyeed mooryaanyahay.

  2. Hareda Bolis says:

    Xeroyinka Qaxotiga Niman aya Horjogayaan ka ah oo dadakai uu odanyihiin marka waa nasib daro in Somaliya ayasan dulmiga ka waantowin.Somaliya gabdhaheeda waxa Sharaf tirey Nimankani Nimaka isku shegayo oo Somalinimada nala wadaga Gabar walashisa ama Hoyadisa ama Xaskisa noqon karta iskana celin karin oo Tabaleysan intu ku so gureyaan meshay ka badbadin lahaayeen ku faraxumeynaya. Somaliya nimakani Dhaqan cdelin Badan ayeey uu bahan yixiin 21 sano ayeey gabdhaha Somaliyeed Kufsanayeey waa dad Mentaly Sick ah oo dinta Islamka in lalatigsato oo la togto mooye si kale loga baxsan karin. Barakacayasha GOBOLADODA SIDI LOGU CELIN LAHA SIDA UGU DHAQSI BADAN WAA IN LO CODEYA. UN , UNDP DACWAD LO DIRA MATADANA XAMAR KU BABACSAN ILA PUNTLAND IN DIB LO SO CELIYO Dhin iyo dhef ayaa Goboladooda iyo dadki ay ka dhashteen una dhashteen lagu so celiya. Dowlada awodasi ma laha ay 1 Milyan Internal displeased iney so celiso. UN SHAQADODA WAAYE in lo Dacwodo keliya ayaa la raba. Wa bilahi Towfiq.

  3. ruquyo kis says:

    Waan idin salaamay dhamaan ummada soomaaliyeed waxaan leeyaha madax weeynaha marka hore gabdhah soomaaliyeed ee meesha aad joogto lagu kufsnayo arimahooda xali markaas u soo gudub dadka kunool qaxootiga markaas ayuu hadalkaaga soconoyaa midda kale oo aan ku leeyahay waxay tahay dadka gur yahoodii wali mooryaanta ay haaysato maka hore ka soo qaad dadka meel ay dagaan way haystaan ee kaama baryayaan meel ay dagaan dhaqaalane kaama ay rabaane dadka qaxootiga jooga waxay leeyihiin guryo iyo beero marka sidaa u ogow.

  4. ladan liibaan says:

    dhibaatada somaaliya haysata dal iyo dibadba waxa nagujirabay waa raga soomaaliyeeg,mid tahriib badeed ku dhintay,mid saxaraha bahal kucunay,ama asqo ugu dhintay,mid xabsiyada dibadaha kujira walina kufsi iyo fool xumo ayay noogudaneen,waxaan leeyahay haweenka soomaaliyeed dal iyo dibad inay kabanaan baxaan oo aymuujiyaan moowqifkooda,maxaa afka iskugu keenqabta,waxaan kaloo usheegayaa,haweenka katirsan xukuumada,waxay ilatahay idinkoo soomaali wayn matala hadana waxaa tihiin dumar,ogaad inaan”kordumarwax ismadhamo” wax kaqabta haweenka kufsiga laguhayo..

  5. Juuni Ali Owliye says:

    Waa yaab oo Anigu yaabaye yaa laga sugaayaa inay badbaadiyaan dadkan u baahan in la badbaadiyo kol hadii ay magan u yihiin wuxuushtii Dili lahayd,Kufsan lahayd kuna tuugsatay magacooda oo weliba ku naaxday?!
    Walaalihii iga horeeyay ee ka xumaaday waxa ku dhacay Walaalahooda kana dhiidhiyay oo qoraal ku muujiyayna waxaan leeyahay qoraal ma joogtee cidna ha sugina ee idinkuba bilaaba oo u sheega dadka kuwa idiinku dhow isna urursada kana hadla oo la hadla warbaahinta iyagaa kara in hogaanka caalamku gaarsiiyaan codkiina.

  6. buney says:

    Waa wax layaab leh dad islaam sheeganayo oo wuxuu ilaahay xaaran timeeyey xalaal shaday,walaalayaal aad iyo aad baan uga xunnahay dhibaatada raggeena soomaalyeed oo waliba madalaya ciidamada soomaalyeed dhibaatada ay idiin geesteen ,waxaa la yiri nin dhiig dadeed qaba wax walba ka filo, raggaan duutaha qaba waa kuwii dhibaatada soomaali u keeney una horseeday dilka booka qabyaaladda ilaa iyo haddana urka maal uga buuxda shartooda allaha nga badbaadiyo. Dowladda iyo dadka wax garadka ee diigga islaaka qabin ee iimaanka leh waxaan idinka codsanaynaa haddaan dumarka soomaaliyeed ee dibed iyo dalka jooga nahay in aad arintaan case usamaysaan oo aan la harin markii la qatana sawiradooda laga sii daayaa newska iyo TV lana ceebeeyaa si looga aqoonsado

  7. hhassa says:

    waxaa fiican ayaa la arkaya mala rabo in lasuubiyo walaalow waxaan oo kale tabintooda iska dhaafa ha faafaniina waxaan aan dhamaanayn maxay tahay wadanka dibida ayaan ka joognaa waxaan araknaa ama maqalnaa gar lakufsaday wax laga qabto majiraan wallaahi kan wadan ma aha dadkiisa waa dad xumaaday waxaa intaase oo dhan waxaa daran tvgoo xun intay suubsadeen ayey ku dal dalmaan ayagoo waxba hayn isaga dhigaan dad wax badan qabtay oo wadankii nabadeeyey waa dowlad qumiyeed ayaa noo dhisan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

jaw Gudoomiye Jawaari oo maanta oo isniin ah ku wajahan Baydhabo
- Sep 1, 2014
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ...
saam Dhegayso..Shaam”Shacabkii waxa Bililiqaysanaya Ciidamo beeleedka Dowlada”
- Sep 1, 2014
              Ayadoo ciidamada reer Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM ay ku howlan yihiin sidii ...
jh Dhegayso…Maxaa Hiiraale ku dhaliyey inuu Kismaayo Keeno Ciidamadiisa iyo Sababaha hubka looga dhigey
- Sep 1, 2014
Maalinimadii shaley Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyey kulamo iyo wada xaajoodyo mudooyinkii ugu ...
ay DHEGAYSO…WAA MAXAY MOWQIFKA DOWLADA KOONFURGALBEED EE KU AADAN HESHIISKA BARE IYO MADOOBE?
- Sep 1, 2014
                  Faadumo Maxamed Xuseen Faayow waa wasiirka haweenka ee maamulka Lixda gobal ee koofur galbeed ...
siida Dhegayso…Maxamuud Sayid Aadan”Mowqifkeena Lida Gobal waxba iskama badalin”
- Sep 1, 2014
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Lixda Gobal Maxamuud Sayid Adan oo waraysi gaar ah siiyay ...