Kufsiga Ciidamada Dowladu ay ku hayaan Barakacayaasha ku jira Xeryaha Muqdisho oo gaaray heer laga yaxyaxo (Warbixin murugo xambaarsan)

0
84

xeryo Talafishinka Al-Jazeera ee ku yaala dalka Qatar ayaa warbixin ka diyaariyay xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka Soomaaliyeed ee degen xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ku yaala aya waxaa uu ku waramayaa in xad gudubyo loo gaysto haweenka xeryaha degen.

Wariye Tv-gaan ka tirsan oo Muqdisho yimid booqdayna qaar ka mid ah xeryaha ay barkacayaashu degen yihiin ayaa ku waramaya in haweenka soomaaliyeed si ula kac ah loogu kufsado xeryaha taasoo ay ku lug leeyihiin rag uu Tv-gu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin ciidamada dawlada Soomaaliya.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa si joogto ah ula kulmay xad gudub xagga jinsiga ah iyadoona xeryaha ay xilliyadda habeenkii ugu galaan rag hubeysan oo dawlada ka tirsan kuwaasoo qabsada ama kufsada taasoo ah mid joogto ka noqotay xeryaha ay barakacayaashu Muqdisho ka dagan yihiin.

Wariyaha warbixintaan diyaariyay ayaa la kulmay qaar ka mid ah haweenka lagu kufsaday Muqdisho, waxaana ka mid ah haweeney magaceeda lagu sheegay Nuura Xirsi oo 27 sano jir ah.

Nuuro waxay dagan tahay xero barakace oo ku taala agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodan waana haweeney uu seygeedii ku geeriyooday dagaaladii dalka ka dhacay waxaana ay Tv-ga Al-Jazeera uga sheekaysay sida ay wax ugu dhaceen ayada markii 7 nin oo sida ay sheegtay ka tirsan ciidamada dawlada ay kufsadeen xilli habeen ah.

Waxay aheyd xilli habeen ah abaarihii 01:00 habeenimo caruurtaydana waa ay jiifeen, 7 nin oo ku hubeysan qoryaha AK47 waxaana ay xirnaayeen dharka ciidamada waa ay ii soo galeen i dharbaaxeeyeen iguna amreen inan guriga banaanka uga baxo kadibna waa ay i kufsadeen Wax walba ayay igu sameeyeen, iskama celin karin lamana dagaalami Karin, sidee ula dagaalaa 7 nin oo ku hubeysan AK47 ayay Nuura Tiri xilli ay Tv-ga Aljazeera la hadlaysay.

Dhacdadaan waxay dhacday habeen Sabti ah 29 bishii December ee sanadkii 2012.Nuura oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri Cidna iima soo gurman intii la i kufsanayay qof walbana waxa uu u cabsanayey naftiisa.

Sidoo kale gabadhaan oo sii hadlaysa ayaa sidoo kale tiri Markii ay tageen waan iska ooyay waagu markuu baryayna waxaan tegay Isbitaal wax xoogaa daawo ayay isiiyeen laakiin wixii igu dhacay oo dhan uma sheegin waayo Soomaali ayaanu nahay mana dooneyn in dadku wada ogaadan.
Nuuro waxa ay xustay inay booliska u dacwooday hase ahaatee aan la daneyn waxa ay sheegtay.

Muqdisho dadka ayaa lagu dilaa anigu maba dhiman kufsiguna sidaas looma weyneeyo ayay tiri waxana ay xustay inaysan jirin cid loo xiray kiiskeyga waxana ay intaa ku dartay in dumar badan ay dhibka la wadaagaan Hay,adda walalaha dumarka Soomaaliyeed oo ka mid ah hay,adaha u dooda xaquuqda dumarka ayaa sheegtay in sanadihii dambe ay aad u kordheen dumarka Caasimada Muqdisho lagu kufsado.

Aas aasaha hay,adaan oo la yiraahdo Fartuun C/Salaan Aadan ayaa sheegtay in sanadii dambe uu jiray xad gudubyo ay la kulmaan dumarka soomaaliyeed ee ku jira xeryaha barakacayaasha waxaana ay intaa ku dartay in xafiiskooda Muqdisho uu todobaad walba diwaan galiyo ugu yaraan 7 kiis oo ah dumar la kufsado.

Dawlada cusub ee Soomaaliya waxay sheegtay in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwo ku dhaca si qarsoodi ah oo aysan dawladu waxba ka ogeyn.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada dhalinyarada iyo isboortiga ee dawlada Soomaaliya Aweys Xadaad oo la hadlay Tv-ga Aljezera ayaa sheegay in dawladu ay qaadayso talaabooyin deg deg ah oo ay arrintaan uga hortagayso.

Aweys Xadaad waxaa uu beeniyay in ciidamada dawlad ay dhac geystaan waxaana uu inta ku daray in dharka ciidamada ay cid walba haatan xirato taasna macnaheedu uusan aheyn in ciidamada dawlada ay ka dambeeyaan waxa ka dhacaya xeryaha barakacayaasha sida tan Nuura ku dhacday oo kale.

Dad badan ayaa awood u leh inay helaan dharka ciidamada si ay iskaga dhigaan ciidamada booliska ama kuwa militariga lakiin waxaan cadeynayaa inaysan ka tirsneyn.

falalka noocaas oo kalena waxaa lagu yaqaanaa Al-Shabab ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, dhalinyarada iyo isboortiga Aweys Xadaad waxaana uu intaa ku daray in dawladu wax ka qabanayso dhacdooyinkaan oo kale.

W/Tarjumay:
Burhan Dini Farah