Haweeney ka mid ah Barakacayaasha Muqdisho oo Kufsi iyo Xarig la isugu daray(Warbixin daba socota kufsiga ka jira gudaha xerooyinka barakacayaasha Muqdisho).

gabar11Waxaa maalintii afraad xarunta dembi baarista magaalada Muqdisho ee CID-da ku xiran wariye C/casiis C/wahaab Koronto oo la shaqeynayey idaacadda Ergo iyo idaacadda maxalliga ah ee Radio Dalsan ka dib markii Khamiistii 10/01/2013 ay xireen ciidamo ka amarqaata taliska CID-da.

Waxaa wariyaha lala xiray isla maalintaasi haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xero ku taalla Tarabuunka taasoo kufsi ay horey ugu geysteen ciidamada dawlada Soomaaliya balse lagu eedeeyay inay idaacadaha uga warantay tacadiga loo geystay.

Haweeneydaasi dhibanaha ah ayaa lala xiray seygeeda iyo gabar ay iyada walaalo yihiin oo iyaduna lagu eedeeyay inay isku xirtay haweeneyda la kufsaday iyo saxaafadda.

Illaa hadda wax maxkamad ah looma ogolaanin muwaadiniintan sida sharci darrada ah ay xabsiga ugu hayaan taliyaha CID-da Jen. C/laahi Xasan Bariise iyo taliyaha booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo amar ka helaya wasiirka arrimaha gudaha.

Maxaa loo heystaa muwaadiniintan?

Wariye C/casiis Koronto waxaa loo heystaa inuu wareysi la yeeshay haweeney kamid ah dadka barakacayaasha oo ay kufsadeen toddoba nin oo ka mid ah ciidamada dawlada 29-kii bishii Disembar, waxaana wareigaasi sida lagu eedeeyay wariyaha uu ku soo baxay bogga telefishanka Al Jazeera qeybtiisa English-ka, laakiin wariye C/casiis waa uu diidey inuu gebi ahaan wareysi siiyey Al Jazeera wuxuuna sheegay inuusan weligiis la shaqeynin Al Jazeera.

Sidoo kale ayaa Daafeet ogaatay in warqad rasmi ah oo ka soo baxday maamulka TV-ga Al Jazeera ayaa lagu cadeeyay in Al Jazeera uusan u shaqeynin wariye C/casiis Koronto, isla markaana aanu shaqo ku lahayn wareysiga ku daabacan bogga Al Jazeera kaasoo ay qortay gabar wariye Soomaliyeed ah oo degan Nairobi oo lagu magacaabo Leyla Cali.

Inkastoo ay sidaas waxa u jiraan haddana nasiib darrom hogaanka CID-da iyo booliska waxay si bareer ah u diideen in kiiska maxkamad la geeyo si sharciga loogu bandhigo iyo in qareen loo qabto wariyaha arrintaasoo muujineysa in Jen C/laahi XasanBariise iyo Jen Shariif Sheekhuna Maye ay wax gaar ah meesha ku qarinayaan oo aysan rabin in la ogaado.

Gabadha barakacayaasha ka midka ah ee Khamiista laga soo xiray gurigeeda ku yaalla xerada Tarabuunka ayaa iyaduna loo heystaa inay u warantay saxaafadda oo ay ka hadashay dhibaatada iyada gaartay maadaama kufsi loo geystay, waxaana yaab leh in gabadhaan lala xiray seygeeda iyo walaasheed ka dib markii ay diiday inay ka laabato kiiska kufsiga ee loo geystay ayna beeniso dhammaan eedeymaha kufsiga ee ay saxaafadda qaarkeed u sheegtay.

Waxaa xusid mudan in Jen Bariise laftiisa uu warbaahinta ka sheegay in illaa 11 kiis oo kufsi ah ay dhowaan ka dheceen Muqdisho ayuna baarayaan, halka uu hadda haweeney miskiin ah ku cadaadinayo inay dafirto dhibaato ku dhacday si isaga aan shaqada looga ceyrin ama booliska lacagta gunnada ah looga goyn.

Saraakiisha booliska, CID-da iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka baqaya in haddii dumarka la kufsaday ay saxaafadda ka hadlaan in markaasi xilalka laga qaado iyaga ama laga jarto lacagta deeqda ee booliska uga timaada hay’adda UNDP maadaama xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ay galeen ciidamada sidaasi darteed ayaana illaa hadda muwaadiniintan xansiga loogu hayaa.


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. been-masheege says:

    horta kiiskan waxa daaha dabadiisa loo galinayaa ee sharciga iyo garsoorka loo diidayaa in la wajahiyo waa in aanu taliye xasan bariise bariiskiisa waayin laakiin cadaalada ayaa shaqayn doonta runtuna wa hadli doontaa ciqaabta allena way iman doontaa




Wararkii U Danbeeyay

sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...